Wax ka baro habka lagu toosin karo wada noolaashaha Qoyska.

Written by bile mohamed on .

 

Is maqalka wanaagsan marka la wada-hadlayo door-weyn ayey ka ciyaartaa kordhinta Kalgaceylka u dhaxeeya labada is qabta, laakiin aad ayaan uga gaabinaa oo shaqo xoog leh ayey u baahantahay sidaan u horumarin laheyn xirfadda dhageysashada is maqalka, gaar ahaan ragga ayaa aad ugu baahan, taasina waxaa daliil u ah in cabashada haweenka ay ugu badantahay in ninkooda aanu si fiican u maqal markay wada-hadlayaan.


Badanaaba marka la maslaxeynayo waxaad maqleysaa xaaskii oo leh “Ima maqlo oo marka geel loo heeso ayuu goranyo u heesaa”, cilmi baaris lagu sameeyayna, reeraha ku guuleystay guurkooda, sababta ugu weyn waxay noqotay in awoodooda is maqalka ay aheyd mid aad u sareysa, maxaa yeelay marka lamaanahaaga si dhab ah uu kuu dhageysto waxaad dareeemeysaa Kalgaceyl, dhiirigelin, qadarin laakiin marka qofka leyska dhaga tiro ama inta aanu hadalkiisa dhameysan la soo dhexgalo oo la aamusiyo, waxa ku dhacaya qalbijab ka yimid qadarin la’aanta, Nabigeena Suubana wuu dhageysan jiray xaasaskiisa iyo dadka oo dhan.

 

Nabigeena Suubana (NNKH) markuu qof dhageysanayo waa u soo jeesan jiray isagoo jirkiisa oo dhan u soo jeedinaya, si qadarin ixtiraam ku jirana ayuu u maqli jiray isagoo indhahana si naxariis leh uga eegayo qofka hadlaya, waxaa tusaale inoo ah Caa’isha Umul Mu’miniin waxay nabiga u sheegi jirtay sheekooyin, mar ayey waxay u sheegtay sheeko aad u dheer oo jeceyl ah kuna saabsan Abu Zare UM Zare oo ahaa nin xaaskiisa aad u jecelaa daacadna u ahaa.

 

Ugu dambeyntii wax baa dhexmaray oo way iska hor’imaadeen sidaas darteed waa uu furay, Nabiga illaa ay sheekada ka dhameyso wuu maqlaayey, wuxuuna ku yiri Caa’isha “Aniga waxaan kuu ahay sida Abu Zare xaaskiisa uu u jeclaa uu daacadna ugu ahaa, laakiin weligay kuma furayo oo agtayda qaali ayaad ka tahay.

 

Haddaba waxaa inala gudboon inaan ka tusaale qaadano nabigeena suubana akhlaaqdiisa, ma uusan oran jirin sheekadda waad dheeraysay naga soo gaabi, xitaa wuxuu dareensiinayey inuu si fiican u dhageystay sheekadda markuu yiri hadalada macaan ee aan soo xusnay.