Sixir Mise Jaceyl!!?.

Written by bile mohamed on .

“Waxa ay aheyd gabar joog iyo jamaalba ILLAAH u Dhaliyay, xaga quruxdana marka laga hadlayo Waxa ay ka mid aheyd dadka tusaalaha loo soo qaato..”, sidaasi waxa iigu waramay mid kamid ah dadka deegaanka ay ahaayeen Askariyadda Deeqo Xasan oo Jaceyl wadaag la noqotay mid kamid ah askarta ay isku cutubka ahaayeen.


Deeqo oo dhawaan qoyskoodu deyriyeen ayaa lagu soo waramaya in Askarigaas keenyaanka ee ay isku shaqada yihiin haatan meel kula Nooshahay.

 

Xaawo Xasan oo Deeqa la dhalatay ayaa iyana waxa ay Sheegtay in Gabadhooda ninkan uu sixray, Sidii caadiga ee hore ee lagu yaqaanayna aysan aheyn.

 

Arinkaan oo aad looga hadal hayo Dalka Kenya ayaa waxa uu noqonayaa mid aad ugu soo laalaabtay Soomalida Kenya ku nool, ayna Jiraan boqolaal gabdhood Soomaali ah oo la nool madowga Kenyaan ah, taasoo wal wal iyo walaac fara badan ku reebtay waalidiinta gabadhaasi la nool ninmanka Kenyaanka.