Gabaydii ugu caansanaa ee uu tiriyey aabihii jacaylka Cilmi Boodhari.

Written by caaqil dalmar on .

Gabayo fara badan oo uu dareenkiisa jacayl ku cabirayay aabihii jacaylka Cilmi Boodhari ee taariikhda galay ayaa waxaa ayaa waxaa ka mid ahaa kuwan hoos ku xusan, midka aan ugu horreyn idiin soo bandhigeynana waxaa lagu magacaaba CAASHAQ.

 

Caashaqa haween waa horaa Caadil soo rogaye

Sayidkii carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye

Caruurtay sideen meesha iyo Ciise nebigiiye

Cidla lagama beermeen dadkoo cuudi waaxid ahe

Waxa caynba cayn looga dhigay hays cajebiyeene

Soomaalidaa caado xune iguma caydeene

Oo ima canaanateen sidaan cuud ka iibsadaye

Kuwii ii calaacalayey baan camal tusaalayne

Sida weelka caanaha haddii laabta loo culayo

Bal aan soo cidaadee maxaa cunaha dhaafaaya

Curuuqdiyo maxaa kala dhex geli cadaha hoostooda

Ma cidaamkanaan jebinayaa cunaya dhuuxooda

Inaanse cadaydo mooyee waxaan calaalsho lay diidye

Caqliga yaa ka bi'in tuu Ilaah ku circadaayeeyey

Cimrigayga oon jirin intii lagu ciroobaayey

Muga inaan cadaadaa baan ka biqi Canab daraadeede

Cududuhu ma naaxaan haddaan caafimaad jirine

Casharkay wadaaddadu qoreen cudurkan goyn waaye

Cilmi iyo daawoba doontay oo waayay cilinkiiye

Inaan kaa calool go'ay naftay caymisoo ogiye

Jeeraan Canabeey ku helo caafimaad dhimaye

Inaan caad noqdaa baa ka roon caawa saan ahaye

Ilayn caashaq lama maydhi karo kugu cirrooloobay.

 

Gabaygan wuxuu ka mid yahay gabayada ugu caansan gabayada Cilmi Boodhari, wuxuuna ugu jawaabayay dadkii la yaabsanaa caashaqa uu inanta da’da yar ee Hodan uu u qaaday, wuxuuna si waadix ah ugu sheegayaa caashaqu in aanu layaab lahayn ee uu yahay wax caadi ah oo Ilaahay aadmiga ku abuuray weligiina uu soo jirey. Dadkana waxa lab iyo dhedig looga dhigay inay is cajebiyaan. Marka xigtana wuxuu dadkan la yaabsan jacaylkiisaa ay ku lahaayeen muu gabadhan yar iska ilaawo oo mid kale meelahaa u doonto, in aanay arintu sidaa u sahlaneyn. Wuxuuna u sheegayaa in aanu iska saari karayn caashaqan ku habsadey Ilaahay oo ka saara mooyaane. Waxuu leeyahay wax kastana sameeyey oo wax aan ku bugsado oo iga saara ma hayo, xataa wadaadadii ayaa iga saari kari waayey. Cilmi wuxuu leeyahay waxa keliya ee dawada ii ahi waa anigoo Hodan hela, xaalka aan maanta ku jirona waxaa ka roon anigoo dhinta.

 

Gabayga labaad wuxuu Cilmi Ismaaciil kaga cabanayaa dhalinyaradii ay isku jaalka iyo beesha ahaayeen oo uu ugu sheegayaa in xaalkiisu uu aad u xun yahay, habeen iyo iyo maalina uu feker iyo walaac ku jiro. Wuxuu isku metelayaa sidii qaalin (neef geel ah oo yar) oo uu cudurka dhugatada la yiraahdo ku dhacay oo geelii gaadhi waayey xanuun dartii oo iska daba luudaya. Wuxuu leeyahay cidna ma raaco oo cidladaan keligey wareegaaleysanayaa halkii aad ii arxami lahaydeen ee aad wuxuun igula dedaali lahaydeen ayaabad igu cayaarayesaan oo iga riwaayadeysanaysaan, waxaana gabaygan lagu magacaabaa Dhadhab.

 

Cajaayib! Nimanyahow dharaar iyo habeen waan dhadhabayaaye

Dhulkuun baan xarriiqaa siday dhiillo ii timide

Sida qaalin dhugatoobayoo geelii wada dhaafay

Dhallinyaro ma raacee kalaan dhaxanta meeraaye

Dhaqtarkaa la geeyaa ninkii dhaawac wayn qaba e

Iyana waygu dheeldheelayaan dhamacda Daa'uude.

 

Gabayga kale ee aan idiin soo gudbineyno waxaa la yiraahdaa HILAAC, waana gabay fariin ah oo Cilmi u dhiibay nin ay ilmo adeer ahaayeen u socday magaalada Berbera oo ay joogtay gabadhii uu jeclaa Hodon Cabdi Walanwal.

 

Cilmi waqtigaas wuxuu joogay miyiga Hawd. Wuxuu gabayga ku bilaabayaa duco uu ninka fariinta qaadaya u ducaynayo dabadeedna wuxuu muujinayaa in aanu habeenkii seexan ee uu weli Hodan xageeda u soo hanqal taagayo, wuxuu leeyhay waxaad ku tiraahdaa haddaad is leedahay Cilmi wuu ku ilaaway ama wuu kaa haray, in arrinku aanu caynkaas ahayn gabar kale oon la shakeekaystaana ay iga reeban tahay, wuxuuna ku bilaabanayaa sidan:

 

Ina adeer hagaagtaye hadaad hilinka sii qaado

Hantaq iyo Illaah kuguma rido hagabyadii Shiikhe

Mid hubsiimo badan baad tahoo halo la siiyaaye

Adigaan halyay kuu gartiyo huritii Daa'uude

Hilaac baa Berbera iiga baxay Hodan agteediiye

Hurdadana habeenkii ma lado had iyo waagiiye

Sida hoorimaad baa qalbigu ii hanqanayaaye

Waxaa lay horjoogaa sidii horadhacii geele

Inaan haybsigeed dhigay haday Hodan i moodayso

Gabadh kalaan haasaawiyaa wayga haniyaade

Hadaan hadiyad caano ugu diro hoohigaa gubiye

Maxaan kula hagaagaa yartii way hanwayn tahaye.

 

Gabayga kale ee aan idiin soo tebinayno waxaa la yiraahdaa LAACDAN wuxuu tiriyey kadib markii gabdho aad iyo aad uga damqaday dhibka heysta iyo sida maalinba maalinta ka dambaysa ay dhibaatadu ugu sii waynaanayso Hodanna ay adag tahay siduu u helaa ay ugu yeereen inuu Hodan iska iloobo iyagoo qaar ka mid ahi ay u sheegteen inay jecel yihiin, balse nasiibdaro wuxuu u sheegay in Nin meeli u cadahay meeli ka madowdahay isagoo mku yiri laabi laba u la', kolkaas ayay tixdan si laab furan uga soo maaxatay:-

 

Luqun madoobe awrkuba kolkuu laacdan baranaayo

Isagaa u laakima badnaa laqanka xoolaaye

Hadba qaalmo laacdana wuxuu luqun jibaadhaaba

Lix intaanu jirin hadduu laacib ku ahaado

Lama loodin karo jeeray liicdo bowdaduye

Anna laabta kama gooynin caashaqii ladane

Luxudkaan la gelayaa sidaa igaga liil dheere

Midnaay hays ku kay lurin qalbigu laba jeclaan waaye.

 

Gabaygan kale ee aan idiin soo tebinayno wuxuu isna Cilmi kaga hadlayaa sida uu had iyo jeer hurdo iyo soo jeedba uu ugu dhadhabayo Hodan ee ugu hamiyayo iyo sida uu uga fekerayo ee ugu mashquulsan yahay mustqabalkeeda iyo sidii reer lagu nasto oo lagu negaado ay udubka ugu taagi lahaayeen.

 

Gabaygan oo lagu magacaabo Hogol wuxuu Cilmi ku leeyhay markaan arrimahaa qaadaa dhigayo een ka hindisoonayo dadku waxay moodaan inaan waalanahay oo maryihii dhigay, wuxuuna si dhab ah uga hadlayaa jacaylka uu Hodan u hayo iyo nin waliba tii uu caashaqo mooyaane aan mid kale loo soo marsiinayn isagana tiisii Hodan tahay waxa dunida gabar joogtana uu ka doortay, wuxuu si gaar ah u sheegsheegayaa quruxda Ilaahay Hodan ku manaystay iyo sida ay u dhamaystiran tahay ee aanay u kala dhinayn. Wuxuu gabaygii ku bilaabay:

 

Waxaan huguguf leeyaba dhakhsaan ku hor imaadaaye

Sida halo kareebaan saqdhexe soo horanayaaye

Sida ubadku hooyada u tebo kuu hafeeftamaye

Hadii aanan kulahayn yartaay kuma haleeleene

Habeenkii yimaadaba lixjeer kuma horjoogeene

Hal abuurka kuumaan tirsheen heesta caashaqa e

Bal hor joogsi daayoo anaan haynin aragaaga

Hareertayda ood joogtidbaan ku hami qaataaye

Markaasaan humaagiyo cidlada ku hambalyeystaaye

Hilinkaynu maridoono iyo hooy ku taamaaye

Hagaageena iyo khayr ayaan ku hindisoodaaye

Markaan keligey haasaawayee aan islahadlaayo

Ayagoon wax hubinoo ogeyn waxa i heeteeyey

Dadku waxay u haystaan inaan dhigay hugeygiiye

Hadaaqay wax sheeg-sheegayaan uma haboonayne

Haabkooda may gelin cishqiga hawsha daba taale

Inta uu hadhuudhlaha kudaray ama hed soo gooyey

hal-hal tirada waan lagu heleyn taniyo Haabiile

Anigana haduu igu shakalay hadimadiisiiye

Imikuu u hees yidhi gabdhaa taan hanteen rabaye

Aniguna hensii kaama lumin u halgankiisiiye

Waa waxan hadhuub ugu sitaa hoorka caashaqa e

Waa waxan dhul heegadu martiyo Hodan u geeyaaye

Waa waxan haboow uga jiraa horukac mooyaane

Waa waxan hirdoogliyo caleen ugu horseedaaye

Hablahoo dhan keligaa yartaay hibeda laysaarye

Sida hogol kaliishii da'doo milicdu ay hayso

Ama lebiga Hawdoo gugii ubaxu heeryeeyey

Oo haadku dhaafoo shimbiro cimilo goor heesa

Aadmigu ma hilayee dhakhsuu ugu hiloobaaye

Anna xiisahaan kuu yahaa kaba hanaan dheere

Ninba tuu ka helay buu gabdhaha Hodan ku sheegaaye

Oon heer-kastay qurux katahay hawlin taa kale e

Anna dookhu adiguu huwadey kuna hareer yaale

Qaar buu gabdhaa hilibku iyo hugu cusleeyaaye

Adna inaanad haabkaa ahayn hubiyey dhawr-jeere

Naasahan sidii hooto waran hore u soo taagan

Dibnahaagan hiifkaba aqoon hadal san mooyaane

Gudub halacsi daymada indhahan hibada loo siiyey

Qosol hanaqa soo taabayoo caashaq hurinaaya

Ilko aan hoggoodii ka lumin kalana hoosaynin

Sankaagaa hanaankiyo qorshaa hadiyed loo siiyey

Dhabannada hareeraha wejiga halalac nuuraaya

Suuniyaha haabkoodan wacan hadal dhamayn waaye

Luquntii habkii geri lahaa halal wax dhaafsiisay

Timo hoos garbaha uga degoo sinaha haab-haabtay

Heega iyo laafyaha gamcahan hibada loo siiyey

Dhexdan aan hareeraha u fidin horena soo taagmin

Hannaan quruxsan waataa luguu ka haqab beeleen

Gobonimo haddii laga hadlana waa hirsood runa he

Hoo iyo waxsiin waxa ka roon haab garaab qaba e

Adiguna hantiday oo caqligu waa hub kuu dihine

Hadaaqaba ma dhaameen haddaan hadalku toosnayne

Hayeeshee warkaad hurin taqaan haa adoon odhane

Mar hadaad hufnaan gees kastaba aad ka hanaqaaday

Adigey hibaaqeey naftani heegan kuu tahaye

Adaan hiirta waaberi dartaa habataq luudaaye

Hanfigiyo kulayl-kiyo haddaan halowga soo jiidho

Oo aanan haabkiyo dhabtiyo laabta kugu haynin

Ma'haraado oonoo biyaha hoos uma dayo e

Haamadayga dhaxanta cabaar hooy kama galo e

Hawlaha dalkeygiyo xilkaan baaye hananaayey

ku habsaamay taadii markaan taydi hoos dhigaye

Magaalada hareertaad ka taal eed u hoyonayso

Inaan helo haddii aan yartaay haabka aan geliyo

Aaweey hubqaad wacan anaan hadal cid weydiinin

Hillaacaan sidiisii maraa hagida aad taale

Haatufkaan sidiisii walaal ku hor imaadaaye

Haddii aan heddeen gelin intaan dunida hoos joogno

Inaan kaa hawoodaa marnaba waa habeen tegeye

Hayeeshee Illaah baa hayoo calaf ku hoos yaale

Haddaan Eebe hoo odhan wuxuu u hunguroonaayo

Qofna abid ma soo helo wuxuu haari ku ahaaye

Haddii aynu kala haayirnoo laysu hiran waayo

Oo aan Hibaaqeey nasiib adiga ii haynin

Nacas hayle-foosh iyo qorqode garan hagaaggaaga

Midaan ku hidda-raacayn asaan haybed kugu beerin

Urdun xumaha hanfiif-sada kolkay hawli soconayso

Haddii talada aan hayn lahaa kuma horgeeyeene

Waxba yaanan sii hadaltiyeyn hadalka qaarkiiye

Ihaleel jacaylkii intuu soo hamaansadaye

Heensiyo hubkaa laba dhacuu igu hogaanshaaye

Hayin aan biyaha daadin iyo igadhig hawlmooge

Dhulka meesha Hodaniyo nimcada igu aghaynwaaye

Hogob laga hayaamiyo cidluu ila hadaafaaye

Hiil qodaxle iyo jeerin buu igu hagaajaaye

Waxaan hadimo soo maray waxaan halowyo soo meeray

Hohi cabasho weeyee mar qudha hiiftan maan odhane

Halbawlahaad i heertiyo lafahan hilibku naafoobey

Nabaradan bog hoosiyo wadnahan halac ka oogaaya

Haddii aan ku helileey bogsoon haarta qoomaniye

Waa hubaale hays odhan wax buu kuu hadoodilaye

Waa hadal nin waayeeli yidhi hiila kaa raba e

Waa hadal ka soo baxay ninkii kuu harraad qabaye

Waa hadal ka soo baxay ninkii kuu hadfee lumaye

Waa hadal ka soo baxay ninkaa soo hiloow ku lehe

Waa hadal qofkii la hordhigaa oohin hoorsadaye

Waa hadal qofkaan caashaq helin hawlyaraan la'ahe

Waa hadal markaan kugu hamiyey aan higaad qoraye

Waa hadal wax badan baan habraye uurku hayn karine

Waa hadal halkaad igaga taal hoo ogoow ku lehe

Waa hadal hayii kugu lalabay soo halaan-halaye

Caashaqa hareertaada qabo hubiyey kaygiiye

 

LA SOCO GABAYADA KALE EE CILMI BOODHARI.