Howlgal ka dhan ah dadka tuugsado oo ka bilowday dal dunidda caan ka ah.

Written by bile mohamed on .

Waxaa socda qorshe Magaalada Hyderabad ee Koonfur India looga joojinayo dadka tuugsada/dawarsada, waxaana uu dhaqangeli doonnaa 15-ka bisha December ee sanadkan.


Sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska waxaa shan boqol oo lacagta India (500 rupees) oo u dhiganta ($7.60) la siin doonnaa ciddii soo sheegta dadka ka dawarsada Magaalada Hyderabad. Tani waxaa lagu sheegay inay tahay mid dhabaha loogu xaarayo joojinta dadka tuugsada.

 

Toddobaadkii hore, ayaa waxay Ciidamada Boolisku bilaabeen hawlgal ay magaaladaasi kaga qab qabanayan dadka tuugsada, gaar ahaan bannaanada goobaha lagu cibaadeysto, xarumaha basaska iyo tareenada laga raaco.

 

Dadkan, ayaa waxaa la isugu geeyay xarun dhaqancelin ah oo ku taala agagaarka Xabsiga Dhexe ee Magaalada Hyderabad.

 

Tallaabadan waxay timid booqasho lagu wado in magaaladaasi ay ku tagto gabar uu dhalay Madaxweynaha Mareykanka oo lagu magacaabo Ivanka Trump.

 

Ivanka, ayaa la fillaya in Hyderabad ay 28-29 bishan kaga qaybgasho shir ay isugu imaanayan dhammaan dadka fekradaha ganacsi la yimid ee caalamka.

 

Magaaladan, ayaa mar si ku meel gaar ahi looga saaray dadka dawarsada, xilli uu booqasho ku tagey Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Bill Clinton, sanadkii 2000.